Madaxweynaha Galmudug oo safar deg deg ah ku tegay Guriceel

Madaxwaynaha Maamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa goordhow gaarey Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa safar dhinaca dhulka ah uga ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana degmada Guriceel kusoo dhaweeyay Xubno uu kamid yahay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Xubno kale.

U jeedka Safarka Madaxweynaha Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay laba u jeediyay oo kala ah xalinta Odayayaasha & Waxgaradka degmadaa oo dhowr jeer muujiyeen cabasho.

Sidoo kale Madaxweyne QoorQoor ayaa  la kulmaya odayaasha iyo bulshada Magaalada, waxaana uu  caawa ka qayb galayaa furitaanka jaamacad cusub oo magaalada laga hirgaliyay taasi oo qayb ka ah ujeedka safarkiisan.