Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay digniin la xiriirta doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay u diyaar garoobeen doorashooyinka dadban ee dalka laga qabanayo, taas oo ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha Siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin baqdin ay ka qabaan ka qeyb-galka doorashaooyinka, isaga oo ka jawaabayay Warar soo baxayay oo sheegay in markii lagu dhawaaqay  in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso ay Siyaasiyiinta mucaaradka walwal ka muujiyeen ka qeyb-galka doorashada una diyaarsaneyn.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Sheekh in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.

Hadalkaan ayaa waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Wareysi uu siiyay TV-Ga Saab, isaga oo sidoo kale sheegay in Magacaabis la’aanta Golaha Wasiirada aysan saameyn ku yeelaneyn doorashooyinka.