Dowladda Soomaaliya oo Ciidanka gaarka ee Haramcad geysay Magaalada Jowhar

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Jowhar geysay Ciidamada gaarka u tababaran ee Haramcad sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan Magaaladaasi Jowhar.

Ciidamadaan ayaa qayb ka ah ilaalinta ammaanka Magaalada Jowhar oo martigelineysa labo doorasho oo is dulsaaran waqti ahaan, waa tan Dowlad Goboleedkaas & soo doorashada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qorshaha Dowladda ayaa ah in ciidan kale ay geysto Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhanka kale ah Caasimadda Dastuuriga ee DG Hir-Shabeelle, inkasta oo aan la heyn inta ay gaarsiisan yihiin.

Wasiirada Amniga & Arrimaha Gudaha  Hir-Shabeelle oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay la kulmayay saraakiil ciidan iyo hoggaanka howlgalka Midowga Afrika oo ay u bandhigayeen ka taageerista amniga Jowhar.

Labadaan Wasiir ayaa sheegay in Al-Shabaab culeys ay saartay Gobolka Shabeellha Dhexe, kadib markii uu kordhay howlgalka ka dhanka ah ee ka socda Gobolka xad wadaagga la ah ee Shabeelaha Hoose.