Dhimasho ka dhalatay fatahaad uu geysay Wabiga Shabeelle

Wararka ka imaanayo Degmada jalalqasi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya  in Khasaaro  nafeed  uu ka dhashay fatahaad uu saacadihii la soo dhaafay degmadaasi ka sameeyay Wabiga Shabeelle.

Ugu yaraan Afar Qofood  ayaa siiyaabo  kala duwan Saacadahii ugu dambeeyay  ugu  geeriyooday  Fatahada wabiga shabelle degmada jalalqasi ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Wararka  ayaa sheegay in kaliga Dhaaymalaay ay ku  dhaceen wiil  iyo Gabar dadka  degaanka  kamid ahaay  kadib markii  ay doonyeen  inay  biyaha  ka Gudbaan  xili  wabiga biyo  xoogan u waday sido kale isla doox kalo wabiga  u ka butaacay ayaa La soo soo wariyay  in labo Caruur  ah oo wiilal ah ay ku dhinteen.

Afarta Qofood dhintay ayaa dhamaantood  ahaay dadka degmada jalalqasi  ee Gobolka Hiiraan, wabiga shabelle ayaa Saacadahii ugu dambeeyay fataahada xoogan  ka sameeyay  Degmada jalalqasi  iyo degaano  hoosyimaado  taasoo Sababtay  khasaaro dhimasho ah.