XOG: Madaxweyne Farmaajo oo xil culus u Magacaabay Salaad Cali Jeelle.

Xog ay heshay Shabakadda Wararka Awdinle Online ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Siyaasiga Salaad Cali Jeelle u Magacabay in uu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Jabuuti.

Salaad Cali Jeelle ayaa waxaa uu bedelay Amb, Maxamed Cali Nuur oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Jabuuti, kaas oo loo Magacaabay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeelle ayaa hadda waxaa kamid ahaa la-taliyeyaasha Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu sidoo kale si indha-adeeg ah u taageera dowladda Soomaaliya, isaga oo u jawaaba siyaasiyiinta mucaaradka.

Xilka Cusub ee loo Magacabay Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli 24-ka saacadood ee soo socda la filayo in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.