Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM oo toogtay Haweeneey

Askar katirsan Ciidanka Burundi ayaa Haweeney ku toogtay Deegaanka Buurane Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii qarax loo dhigay.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu khasaare u geystay Ciidamada Burundi ee Howlgalka AMISOM u qaabilsan Shabeelaha Dhexe.

Seygeeda ayay horay sidaan oo kale u dileen Ciidamada Burundi kadib markii qarax loo dhigay sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka!