DEG DEG: Dagaal ka socda Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Dagaalka oo sida la sheegay u dahxeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ka socdaa Xaafadda Buundooyinka ee Degmada Waaberi, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay dagaalka labada Ciidan, waxaana wararka horudhaca ah ee la helay ay sheegayaan in dagaalka u dhaxeeya Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya uu ku  dhintay hal Askari mid kalena uu ku dhaawacmay.

Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, sida ay Risaala u sheegeen Goobjoogayaal ku sugan halak uu dagaalka ku dhexmarayo labada Ciidan.