Janeraal Ciiro” Al-Shabaab waxay u diyaar garoobeen carqaladeynta doorashooyinka”

General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciiro), Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay u diyaargaroobeen carqaladeynta doorashooyinka dalka.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo, geba-gabadii kulan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag, ayna ka qaybgaleen Saraakiisha Ciidamada ayaa ka warbixiyay waxyaabihii kulankaasi looga hadlay.

“Waxaa la’isku afgartay in laga hortaggo dardar cusub oo cadowga uu waday maalmahaan dambe, oo ay ka wadeen Gobolada Baay, Bakool iyo Shabellooyinka, taasoo ay ugu diyaargaroobayeen inay ku carqaladeeyaan doorashada. Cadowga wuxuu u diyaargaroobay carqaladeynta doorashada ka dhaceysa dalka, gaar ahaan midda Koonfur Galbeed.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale yiri “Waxaa la go’aamiyay oo la’isku afgartay in laga hortaggo dhagaraha uu maleygayo cadowga, oo markii horeba uu umadda ku halaagaayay. Sidoo kale waxaa la’isku afgartay in laga feejignaado, lana burburiyo meel kasta oo cadowga ku diyaargaroobaayo.”

General Ciiro ayaa ugu dambeen sheegay in Al Shabaab ay dad dharcad ah soo geliyeen Magaalada Baydhabo, isagoona laamaha ammaanka faray inay si dhow arrintaasi uga hawlgalaan.

“Magaalada Baydhabo waxay u soo direen dad dharcad ah oo iyaga la shaqeeya, oo bulshada ku dhex jira, sidaasi daraadeed ciidamada amniga, gaar ahaan Nabad Suggida iyo Booliska waxaa la farayaa inay si gaar ah u bartilmaameedsadaan, waxaana rajeyneynaa inaan ka guuleysano cadowga.” Ayuu yiri General Ciiro.