Laamaha Ammaanka Beledweyne oo kala eryay dad banaanbax dhigayay

Wararka laga helayo Magaalada Beledwyene ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in laamaha Amniga ay joojiyeen banaanbax ka dhan ahaa sida loo wajahayo dhismaaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigayay qaar kamid Bulshada Magaalada Beledweyne, kuwaas oo watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda oo ay ku qornaayeen Erayo ay kamid ahaayeen (WAX LA WADA LEEYAHAY HADII LA WAAYO WAXAA IMAANAYO WAX LA KALA LEEYAHAY).

Taliyaha Booliska degmada Beledweyne laba Xidigle Maxamed Qorsheele oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu sharci daro ahaa banaanbaxa, kaa soo aan la soo marsiin lana ogeeysiin laamaha Ammaanka Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin banaanbax aan lagu wargelin laamaha Amniga, waxaana uu digniin culus u diray dadka wada abaabulka banaanbaxyo kale.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin falka lagula kacay, isla markaana ay doonayeen inay dareenkooda ku muujinayaan inay muhiim tahay dhisida Hir-Shabeelle la wada leeyahay.

Shalay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan jirin cid dheg jalaq u siisay dadka banaanbaxayaasha ah.