Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Kheyre oo ku kulmay Nairobi

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa Caawa kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka raali galiyay Caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed wixii tabasho ah uu u qabay intuu Ra’iisul Wasaaraha ahaa.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore uu aqbalay raali galinta Kheyre. Sidoo kale waxaa laga wada hadlay xaalada dalka iyo in leyska warhaayo oo ugu yaraan aragti la isdhaafsado..