Kooxo hubeysan oo Nin Oday ah ku dishay Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa caawa Salaadii Maqrib xaafada Kurdamac ee degmada Dayniile ku dilay Nin oday ah oo lagu magacaabayay Xuseen Sheekh Muxumad Sandheere.

Marxuumka ayaa la dilay xili uu Salaada Maqrib u weeso qaadanayay kuna sugnaa garaash baabuurta lagu xareeyo uu ku lahaa xaafada Kurdamac.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Deeyniile ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka.

Ilaa lanma oga cidda ka dambeeysa Dilma Ninka Odayga ahaa iyo sababta loo dilay, hayeeshee dilalka noocaas oo kale ah ayaa waxaa sheegta Kooxda Al-Shabaab