DEG DEG:- Golaha Shacabka oo codka kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay Xarunta Villa Hargeysa ku yeeshaan kulan aan caadi aheyn, iyada oo la horgeeyay Golaha Wasiirada Cusub.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa 188 mudane, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyada oo Xildhibaannada ay Cod gacan taag ah ku ansixiyeen Golaha Wasiirada  Cusub ee Xukuumadda Soomaaliya.

Golaha Wasiirada waxaa codka kalsoonida siiyaan 188 mudane oo kulanka ku sugnaa mana jirin cid diiday ama ka aamusay, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay inay ansax yihiin Golaha Wasiirada Cusub.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Maxamed Xuseen Riible ayaa waxaa horyaala mudada kooban ee u harsan Shaqooyin adag oo ay uga horreeyaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.