Meydka Gabar yar oo laga helay Xaafad ka tirsan Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Maydka Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay  laga helay xaafada Raf iyo Raaxo.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in meydka Gabadha yar la dhigay mid kamid ah wadooyinka Boosaaso lagana tegay, waxaana Maydkeeda la geeyay Isbitaalka Magaalada Bosasso.

Ilaa hadda lama hayo waalidka Gabadhaas yar oo annan la aqoonsan karin Wajigeeda, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha AmnigaHobolka Bari.