Mid kamid ah musharixiinta Duqa Gaalkacyo oo is casilay

Cabdifitaax Barre oo kamid ah Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo kana mid ahaa musharixintii u taagneed qabashada Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa ka dhawaajiyey in uu tanaasulay sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka agdhaw.

Cabdifitaax oo aad loogu sadaalinaayey Xilkaan ayaanan imaanin hoolka Hadal Jeedinta Musharaxiinta aty Maanta dhacday.

Musharaxaan ayaa aad ugu dhaw madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor ,waxaaana la la filayaa in Galabta ay qabsoonto Doorashada Duqa Gaalkacyo oo haatan kaliya u
istaagan yahay Cabdiraxmaan Sheikh Xasan.