Al-Shabaab oo la wareegay degaano ka tirsan Gobolka Sanag & xiisad ka taagan

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay markii ugu horreeysay Awood maamul ku yeesheen degaano ka tirsan gobolka Sanaag, isla markaana Xubno ka tirsan ay degaannadaas la wareegeen.

Warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin internet-ka ayaa waxaa ay ku shaaciyeen inay la wareegeen deegaannada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet. Deegaanadaan ayaa ku yaalla duleedyada degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Magaalada laasoray ee gobolka Sanaag iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay oo gacan ku heyntooda isku heysay Ciidamo ka kala tirsan Puntland & Soomaaliland balse ay haatan sheegteen inay la wareegeen Al-Shabaab.

Inta badan degaannada gobolka Sanaag ayaa waxaa ay kamid ahaayeen degaannada ugu amniga wanaagsan gobolada dalka, marka laga reebo dagaalo mararka qaar dhex-mara Ciidamada Soomaaliland & Puntland wallow labadii sano ee la soo dhaafay uusan dhicin dagaal toos ah oo dhex-mara labada dhinac.