Askari loo xiray Kufsi loo geystay Gabar yar

Wararka laga helayo Magaalada Dhahar we degaannada Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka Puntland loo xiray  in uu ku lug leeyahay fal kufsi ah oo dhacay.

Askariga ayaa lagu eedeeyey in uu gabar 14 jir ah ka soo ka xeystay magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari, iyadoo aan laga warqabin, waxaana la sheegay in Ehelada gabadha oo inantooda la’aa muddo afar beri ah ay dacweeyeen Askariga.

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka ay Puntland u yaqaano Heeyland ayaa beeniyay wararka sheegaya in kufsi uu halkaasi ka dhacay, kass oo loo xiray Askari ka tirsan Ciidamada Puntland.