RW Rooble oo ka jawaabay Cabasho kasoo yeertay Haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka jawaabay cabasho ka soo yertay qaar kamid ah Haweenka soomaaliyeed taa soo ku aadan in la xaqiray doorka ay ku leeyihiin siyaasadda.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare rooble in ay muhiim tahay in la ilaaliyo qoondada haweenka iyo arrimaha siyaasadda gaar ahgaan guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa uu sheegay inay cabasho soo gaarsiiyeen qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed,isla markaana maamul goboleedyada looga baahan inay dhowraan xaquuqda Haweenka.