XOG: Dowladda Soomaaliya oo joojisay howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle

llo xog-ogaal ah oo magaalada Jowhar ku sugan ayaa ku warramaya in Wasiirka arrimaha gudaha Fedaraalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo qadka Teleefanka kula Hadlay Odayaasha dhaqanka madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle uu ku amray in howsha ay wadaan hakiyaan masuuliyadda dhismaha Hirshabelle looga dambeeyo dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Beledweyne uu tagi doono berri oo Isniin ah si uu u ogaado tabashada ree Hiiraan aay ka qabaan qaabka loo wajahayo dhismaha Hirshabelle kaddibna jowhar uu tagi doono.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii xalay Jowhar laga helay xog sheegeeysa in Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali guudlaawe uu Odayasha dhaqanka ka dalbay in aay deg deg ku gudbiyaan liiska xildhibaanada cusub si guddi dhismaha Baarlamaanka labaad ee hirshabelle iyane ugu dhawaaqaan xildhibaanada cusub.
Sikastaba tallaabadan aay qaaday dowladda soomaaliya ayaa ka dhigay in dhismaha hirshabelle iyo go’aanka ugu dambeeya uu yaallo Beledweyne uuna ku jiro gacanta Odayaasha dhaqanka ee tabashada qaba.