Dad loo qabtay dilka ka dhacay Magaalada Kismaayo

Duhurnimadii Maanta ayaa Kooxo hubaysan waxaa ay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobbolka Jubada Hoose ku dileen madixii shirkadda Amal ee Jubooyinka Cabdullahi Cabdisalaan Shigshigow, waxaana Jubbaland ay sheegtay in dad loo qabtay dilkaas.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Kismaayo Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in dilkaasi uu fuliyay Nin watay Qoray nooca AK47 ah, xilli marxuumka la dilay uu ku wajahnaa Masajiidka Xaafada Calanleey si uu ugu dukado Salaadii Duhur.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Magaalada ay sameeyeen howlgallo kala duwan, isla markaana ay qabteen dad dhowr ah oo ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan dilkaas.

Taliyaha oo la hadlay Voa-da waxaa uu sheegay in ay dib Warbaahinta ula wadaagi doonaan howlgallada ay ka wadaan Magaalada kismaayo oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka madixii shirkadda Amal ee Jubooyinka Cabdullahi Cabdisalaan Shigshigow.