Dhacdo naxdin leh oo Caawa ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb

Wararka aan ka helayno  Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamul Goboleedka Galmudug aaya ku warramaya in Caawa ay magaaladaasi ay ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan, kadib markii labo ruux oo shacab ah ay geeriyoodeen Godka Suuliga (Boosaneer) ay qodayeen.

Dhacdada ayaa ka dhacday Xaafadda Waxara cadde ee Magaalada Dhuusamareeb waxaana la sheegay in laba qof ee qodayay Boosaneerka  uu mid ka mid ahi ku Biirooday Godka, waxaana kan kale uu isku dayay in uu bad-baadiyo, balse labadoodii ay ku geeriyoodeen halkaas sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka oo arrintaani ay naxdin ku abuurtay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay gaareen halka dhacdada ka dhacday, oyaga oo godka kasoo saaray  meydadka labada qof, waxaana Caawa aad looga hadal haayaa Magaalada Dhuusamareeb.