Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wafdi ka socda Taiwan

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Taiwan oo ah gobol aaminsan in uu ka go’ay Dowladda Shiinaha ku leeyahay Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.

Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xiriirka labada dhinac, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka, sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii Taiwan uga caawin laheyd  Somaliland mashaariicda biyo balaarinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xireenada ama dhaamamka iyo sidii Somaliland Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Ugu danbayn  waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland.