XOG:- Sababaha loo furay wadada isku xirta Tarabuunka & KM4

Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Tarbuunka ee hormarta Madaxtooyadii Cabdiqaasim oo horay u degenaayeen Safaaradaha Turkey iyo Qatar ayaa saaka dib u furantay, iyadoo gaadiidka kala duwan ay bilaabeen isticmaalka wadadaas, kaddib markii muddo ku dhow 10 sano ay xirneyd wadadaas.

Wadadan ayaa loo xiray Safaaradda Turkey sanadkii 2012, markii Dowladda Turkiga si rasmi ah Muqdisho uga furatay Safaaradda, waxaana si KMG ay u deganeyd dhismo kirro ahaa, hase ahaatee sanadkii 2015 ayay ka guureen, kaddib markii ay Xeebta Liido ka dhisteen dhismo weyn oo Safaaradeed, balse Safaaradda Qatar oo iyana deganeyd dhismo ku yaal wadadaas 4-tii sano u dambeeyay ayaa markii Safaaradda Turkey ay guureen u xirneyd wadadaas, laakiin maalmo ka hor ayay u guureen dhismo ku dhow agagaarka Garoonka Diyaaradaha.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa uu bilaabay talaabooyin lagu dabcinayo waddooyinka xiran, gaar ahaan Isgoysyada Jidka Wadnaha oo laga qaaday dhagxaanta, inkastoo wali ay xiran yihiin jidcadyaasha xaafadaha qaar ee dhaca Wadada Wadnaha, waxaana maalmo ka hor dhagxaan hor leh lagu soo xiray isgoysyada jidka Warshadaha iyo jidcadayaasha.