Guddoomiye Waaxeed lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow gudoomiye waaxeed ku dilay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Gudoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali.

Waxaa uu ahaa guddoomiyihii waaxda shanaad Siinka-dheer ee degmada Kaxda.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, iyadoo dilku uu ka dhacay isla waaxda uu maamulayay.