Nin dil u geystay Askari oo toogasho lagu fuliyay

Maxkamada Ciidamada ee degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonturta Soomaaliya ayaa xukun dil toogasho ah ku dilay Nin Shacab ah oo horey Dil ugu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska degmadaas.

Qadar Maxamuud Boqor ayaa horraantii  Bishii lasoo dhaafay September 2020 gudaha Saldhiga Booliska degmada Luuq si kedis ah ugu dilay Axmed Cabdi Barre oo ka tirsan Ciidanka Booliska Luuq.

Maxkamadda Luuq ayaa gelinkii dambe ee shalay goob fagaare ah oo ku taalla degmadaas xukunkii dilka toogashada ahaa kula fulisay Qadar Maxamuud, waxaana goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiinta Maxkamadda iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulka.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Luuq Sheekh Cabdi Maxamed Aadan ayaa sheegay in Ehelada Marxuum Axmed Cabdi Barre ay dalbdeen in la toogto Ninkii ka dambeeyay dilka Marxuumka, iyagoona la toogtay.