Wabarka Beesha Baadicadde oo ka baxay Shirka Maamul dhisida Hir-Shabeelle

Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi Wabarka beesha Baadicade ayaa Goordhaweed la sheegay in uu iskaga baxay Shirka Maamul dhisid Hir-shabeelle ee Magaalada Jowhar.

Sababaha ayaa waxaa lagu sheegay, kaddib markii Liis Cusub oo Wabarka waxbo uusan ka ogeyn laga soo qoray Xafiiska Ville Soomaaliya ee Magaalada muqdisho Wabar.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Wabar Maxamed uu shir jiraadi qabto kana hadli doono xaaladaha xulista Baarlamaanka Hir-shabeelle, iyada oo la sheegay inay jiraan Beelo kale oo cabasho qaba.