Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Maanta Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug ku so dhaweeyay wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU ,Midowga Africa  Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug ayaa waxa safarkooda u daran yahay Arimaha Doorashoyinka, Amaanka iyo Siyaasada

Sido kale waxaa safarkooda qayb ka ah  in Caasimada Galmudug ee  Dhusamareeb laga hergaliyo Xarun weyn oo ay yeelanayaan UN ka taas oo laga hagidoono howlaha hormarineed ee ay UN ka ka wadan guud ahan Galmudug.