Dilal ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino laga helayo

Koox hubeysan ayaa saakay degmada Dharkeynley ee Gobolkan Banaadir ku dilay Abuukar Yuusuf Sheekeeye iyo Aflax Axmed Cali sida ay sheegeen masuuliyiinta amniga ee gobalka Banaadir.

Labadaan Marxuum ayaa lagu kala dilay Waaxda 5-aad iyo Waaxda 4-aad ee degmada Dharkeynley waxaana baxsaday kooxihii dilka geestay.

Dadka la dilay waxaa soo baxaya in mid kamid ah ka tirsnaaa Ciidanka Soomaaliya halka kan kalane lagu sheegay qof Shacab ah.

Maamulka degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir weli kama hadlin dilalka ka dhacay degmadaas.