Guddoomiye Mursal oo baaq culus u diray Xukuumadda Cusub

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee  Barlamaanka Soomaaliya oo xalay ka qeyb galay munaasabad looga mahadcelinayay anxisinta xukuumadda R/Wasaare Rooble ayaa sheegay in  Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen rooble looga fadhiyo dalka ay ka dhacdo  doorasho loo wada dhan yahay.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in xukuumadda Cusub laga doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay doorasho uga dhici laheyd sanadka 2020-2021-ka, isagoona sheegay in ay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid lagu wada ganacsan yahay.

Horey madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, iyagoona heshiis ka gaaray arimo ay ka mid yihiin.

Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana lagu diyaariyo bisha Nofeembar ee sanadkan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.

Doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021