Wararkii ugu dambeeyay Dhul Gariir ka dhacay Turkiga

Dhulgariir xoogleh ayaa ku dhuftay Badda Aegean kaas oo khasaaro ka gaystay dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Wararka ayaa sheegaya in dhul gariirkan ay ku dhinteen 4 qof halka 120 kalena ay ku dhaawacmeen,

Sidoo kale dad badan ayaa la sheegay in ay ku xayiranyihiin burburka dhismayaasha dumay, waxaa socda gurmadka lagu samatabixinayo dadka dhismayaasha burburay hoostooda kujira.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Turkiga Fahrettin Koca ayaa xaqiijiyay in 120 qof ay ku dhawacmeen dhulgariirka kuwaas oo la jiifiyay isbitaalada dalka Turkiga.

Dhulgariirkan ayaa cabirkiisa lagu sheegay 7.0 sida uu qoroyo tvga Aljazeera.