DEG DEG:- Weerar kale oo ka dhacay Faransiiska

Baadari katirsan diinta Orthodox-ka ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, sida ay wararku ay sheegayaan.

Ciidamada Boliiska Faransiiska ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu goobta ka baxsaday.

Wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay in weerar halis ah uu socdo, laakiin ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxa dhacaya.

Waxay sheegtay in ciidamada amniga ay ku sugan yihiin goobta israsaasayntu ka dhacday ee magalada Lyon, waxayna dadka ku boorisay inay ka fogaadaan aaggaasi.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu dareensanahay dareenka Muslimiinta ee la xariira sawirada foosha xun ee laga sameeyay Nabigeena Muxumad ah NNKH.

Balse waxa uu sheegay in uu la dagaalamayo islaamka xagjirka ah oo uusan dagaal kula jirin islaamka oo dhan.