Puntland oo cambaareysay Faransiiska baaqna soo saartay

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 43 Xildhibaan, ayaa waxaa si rasmi ah u furay, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Soo jeedin ka dib, Madax-guddiyeedyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa codsaday in dib loogu dhigo soo jeedinta Warbixinnada Guddiyada illa maalinta maalinta berri ah ( November 01, 2020).

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa guud ahaan ugu baaqay shacabka Muslimiinta inay difaacaan sharafta Nabigenna suuban naxariis & nabadgalyo dushiisa ha ahaate, waxa uuna tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin in meel looga dhaco sharafta suubanaheena NNKH.