Somaliland oo qabatay Khamri & Dad ka Ganacsanayay

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaas, iyagoona gacanta kusoo dhigay khamri farabadan.

Ciidanka amniga ayaa maanrooriyaha khamriga kasoo qabtay Guri ku yaalla xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa oo lagu qarinaayay, kadib markii dadka deegaanka ku wargeliyeen in maandooriye lagu iibinayo xaafadda.