Soomaali lagu dilay Magaalo ka tirsan Koonfur Afrika

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay Soomaali ku leedahay deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Kooxda Burcad ah ayaa dilay  labo muwaadin oo Soomaali ah, waxaana ay sidoo kale boobeen hantidii taallay dukamada.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka lagu weeraray.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ragga dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen,isla markaana ay iyaga goobta ka qaadeen meydka marxuumka.

Dalka Koomfur Afrika ayaa waxaa sanad walba si bareer ah loogu dilaa Soomaalida ku Ganacsatada, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay Gudaha dalkaas mid kalena lagu dhaawacay.