Tirada dadka ku dhintay dagaalka Somalida & Canfarta oo kordhay

”27-ka ayaa loo dilay sababo la xiriira isku dhacyo ka dhacay xuduudaha Soomaalida iyo Canfarta”, ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Xukuumadda Itoobiya Shalay.

Cali Beddel oo ah Afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay dilkan wuxuuna eedeyn dusha uga tuuray maleeshiyada ka soo jeeda deegaanka Canfarta ‘Maleeshiyada maxalliga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka,” ayuu u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Rabshado is daba-joog ah oo goos goos ah ayaa ruxay Itoobiya tan iyo markii ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu xukunka qabtay 2018.