DEG DEG:- Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay dalka Canada

Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku geeriyootay, halka 5 kalena ku dhaawacmeen kadib Weerar mindi loo adeegsaday oo goordhoweed ka dhacay magaalada Quebec ee dalka Canada.
Booliska ayaa sheegay in la qabtay ruux looga shakisanyahay in uu weerarkaan ka dambeeyay.
Quebec ayaa ah gobol ku yaalla bariga Canada, ayna ku suganyihiin dadka ugu badan ee ku hadla luqadda Faransiiska.