Eng Feysal Cali Waraabe” Waa in aan ka muuqanaa awood qeybsiga Soomaaliya”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qayb-galay shir beeleed looga hadlayay doorashada Soomaaliya:

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Soomaaliland ay muhiim u tahay inay qoondo ballaaran ku yeelato salami qeybsiga Beelaha Beelaha doorashooyinka Dowladda Soomaaliya.

“75 Xildhibaan bay nu leenahay, waa in aan ka muuqanno awood qaybsiga Soomaaliya, madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha dad baa qaata innala mid ah oo 4.5 innala ah, waa in aan doorkan xoojinno taas”.

Hadalka Eng Feysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli Somaliland ay ku adkeysaneyso inay ka go’day Soomaaliya intends kale, hayeeshee Xildhibaano iyo Wasiiro iyo Xubno kale ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.