Golaha Shacabka oo kulan yeelanaya & Ajandaha oo la shaaciyay

Waxaa Berri oo isniin ah lagu wadaa in uu furmo kulan weynihii Golaha shacabka baarlaamka Federaalka Soomaaliya, waxaana Xildhibaanada lagu wargaliyay in ay berri soo xaadiraan kulanka.

Berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 2 November ayuu kulanku furmayaa waxaana looga hadli doonaa Ajendayaal dhowr ah.

Waxaana looga hadli doonaa Ajendayaasha kala ah: Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda iyo Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.