Madaxweynaha Galmudug oo Amar dul-dhigay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirada Galmudug & Hay’adaha kala duwan ee Maamulkaas looga baahan yahay inay Shaqooyinkooda si deg deg ah u qabsadaan.

Waxaa uu sheegay in Shuruucda kala duwan ee galmudug ay jiraan wasaarado Baarlamaanka u gudbiyay iyo kuwo aan weli gudbin, waxaana Golaha Baarlamaanka Galmudug uu ugu baaqay inay la xisaabtamaan Golaha Wasiirada Galmudug & Hay’adaha kale ee Maamulkaas.

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayuu uga mahad celiyay Madaxweyne Qoor Qoor sida ay u meel mariyeen Shuruucyo kala duwan oo ay u soo gudbiyeen Golaha Wasiirada qaar ee Galmudug.

Hadalkaan ayaa Madaweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) waxaa uu ka sheegay munaasabad uu ku saxiixay sharcyo dhowr ah oo ay horay u meel mariyeen Xildhibaannada Galmudug.