Koox hubeysan oo weerartay Goob munaasabad ka socotay

Rasaas xoogleh ayaa laga maqlayaa gudaha jaamacada Kabul ee dalka Afganistaan, halkaas oo kooxa hubaysan ay gudaha u galeen.

Ciidamada Booliiska Afganistaan ayaa hareereeyay xarunta jaamacada, oo ay ka socotay munaasabad lagu soo bandhigay buug xiliga la weerarayay.

Ilaa Iyo hadda 6 qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Wasaarada caafimaadka dalka Afganistaan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in wali weerarku uu socdo oo aan lasoo afjarin, isla markaana ay dib ka faah faahin doono.

Dalka Afganistaan waxaa ka dagaalanta kooxda Daalibaan oo dagaal kula jirta Ciidamada dowladda Iyo kuwa ajaaniibta ah ee dalkaas ku sugan.