Sheekh Shariif oo kulamo siyaasadeed ka bilaabay jowhar & xogo laga helay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa halkaasi waxaa uu kula kulmay Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle.

Sheekh Shariif oo shalay gaaray Jowhar ayaa socdaalkiisa ku sheegay u dhaba gelida xaalada doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo tabashooyinka ay qabaan howlaha socda Beelaha qaarkood.

Kulanka Sheekh Shariif & Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii xal looga gaari tabashada ay qabaan duubabka dhaqanka Hir-Shabeelle, kuwaas oo horay u sheegay in faramaroojin lagu sameeyay qaar kamid ah Xubnihii ay u soo xuleen Baarlamaanka Hir-Shabelle.

Sheekh Shariif ayaa doonaya inay saameyn wyen ku yeesho doorashooyinka Hir-Shabeelle si uu uga helo Xildhibaano Heer Federaal ah oo taageersan maadaama uu yahay musharax Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo aan wax saameyn ah ku laheyn doorashooyinka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Jowhar waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho waxgaradka & Odayaasha Hir-Shabeelle, xilli ay si dardar leh ku socdaan doorashooyinka Hir-Shabeelle.