Taliyaha Booliska oo kormeeray Xarumo lagu qabanayo doorashooyinka Baarlamaanka

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa kormeer amni waxaa uu ku tegay Xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto doorashada xubnaba Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Taliyaha oo ay wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Booliska Puntland ayaa waxaa ay  qimeyn dhanka Amniga ah ku sameeyeen Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.

Booliska Soomaaliya ayaa Qorshaha isku duba ridka doorashooyinka & Amniga  doorweyn ku leh , waxaana dadaal ay galinayaan qabsoomida hanaanka hufan ee doorashada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa horay kormeer ku tegay  degaano ka tirsan Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale la filayaa inay tago Magaalooyinka Kismaayo iyo Jowhar ee Maamulada jubbaland & Hir-Shabeelle.