Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay Gurmad deg deg ah

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda  federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida ay ula xanuunsanayaan dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii maalmihii tagay ka da’ayay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlayay shirka banbaxa golaha wasiirrada ee maanta ka bilowday muqdisho, ayaa faray wasaaradda arrimaha gudaha iyo Maamulka gobolka Banaadir maareynta dhibaatadii ka dhalatay roobabka, dadkana lala gaaro gurmadka ay u baahan yihiin.

Mudane Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaar in gurmadka ay qeybtooda ka qaataan.