Dhageyso:- Waare oo sheegay in Dowladda afduubatay doorashada Hir-Shabeelle

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maalin, kaddib faah faahin ka bixiyay sababihii keenay in uu iska casilo xilkii Madaxweynaha Hir-Shabeelle xilli ay socdaan howlaha doorashooyinka.

Waare ayaa marka hore sheegay in uu waqti badan geliyay Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle si loo helo maamul nidaam & amni kala duwan haatana uu xilkii ka tegay sidoo kalena uusan aheyn musharax, hayeeshee taasi ay socon weysay.

Waxaa uu sheegay in sida ay hadda Jowhar wax uga socdaan uu dhowr jeer dalbaday in la hakiyo si loo helo Maamul Hir-Shabeelle ah oo ku dhisan dib u heshiisiin iyo mid la isku raacsan yahay.

“ Neefa Xoolaha markii uu caatoobe oo Cudur iyo gaajo isugu darsamo heer wuxuu gaaraa maqaarkiisu ka qiimo badan yahay neefka oo dhan, marka Hir-Shabeelle waxaa hadda lagu dagaalamayo waa 45 Kursi ee taalla, tii horana ee 2016-kii saas ayay aheyd ayuu yiri” Waare.

Hoos Ka Dhageyso Codka  Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle.