Soomaaliland oo xukun adag ku riday Milkiilaha Astaan TV

Maxkamadda Gobolka ay Soomaliland u taqaano Maroodi-jeex ayaa Maanta Milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan Yuusuf  waxaa ay ku riday ku xukuno kala duwan.

Maxkamadda ayaa ku riday Milkiilaha Astaan TV 5 Sano oo Xarig ah  in  Xarumaha Astaan TV ee degannada Soomaaliland la xayiray iyo Ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah Shillinka Soomaaliland.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta uu ku mutaystay ciqaab intaas le’eg, Milkiilaha Astaan TV  kaas illaa bishii July  ee sanadkaan ku xirnaa xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Qareenada u doodayay Cabdimanaan Yuusuf  ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku riday milkiilaha Astaan TV, waxayna tilmaameen in markii hore sharci darro lagu xiray, sharci darrana lagu xukumay.

Dhinaca  kale, ururka saxaafada Somaliland ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday Cabdimanan, waxayna ku tilmaameen xadgudub weyn iyo cadaalad darro.