XOG:- Maxay Somaliland ku eedeysay Milkiilaha Astaan TV?

Maxkamadda Gobolka ay Soomaliland u taqaano Maroodi-jeex ayaa Maanta Milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan Yuusuf  waxaa ay ku riday ku xukuno kala duwan.
Maxkamadda ayaa ku riday Milkiilaha Astaan TV 5 Sano oo Xarig ah Xarumaah Astaan TV ee degannada Soomaaliland oo la xayiray iyo Ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah Shillinka Soomaaliland.
Hadaba Maxay Somaliland ku eedeysay Milkiilaha Astaan TV? Hoos Ka Akhriso.
1-inuu basaasnimo ka waday Somaliland.
2-inuu Tv-ga Astaan si aan sharci aheyn kaga Shaqeenayay Somaliland.
3-inuu Somaliland sharci la’aan ku galay.
Saddexda eed midkoodna lama keenin caddeen maangal ah oo loo cuksaday xunkunkii lagu riday.