Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Diiday Guddiga oo Magacaabay RW Rooble

Gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay guddiyada doorashada iyo xalinta Khilaafaadka ee uu 04 November 2020 magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal uu soo saaray Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo loo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ayaa lagu sheegay in aan liiska lagu soo darin xubno uu soo magacaabay gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Gudoomiyaha aqalka Sare waxa uu sheegay in uu soo magacaabay guddigii Somaliland ku matali lahaa Doorashadda hayeeshee Ra’iisul wasaaruhu ka tagay xubnahaa isla markaana magacaabay xubno kale oo aan “la isku ogayn”.

Xaashi waxa uu ku qeexay guddigaas kuwa aan lagala tashan isla markaana aan matalin Somaliland.