laftagareen oo Magacaabay Guddiga doorashada Heer Dowlad Goboleed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xassan Moxamed Lafta-gareen ayaa Magacaabay Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 8-da xubnood  ayaa waxaa ku jira Saddex Haween ah, xilli dhowr jeer Haweenka Soomaaliyeed ay ka cawdeen inaan door laga siin Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka.

Guddigaan ayaa  waxaa lagu biirin doonaa Saddex Xubnood  oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ku cad heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir si ay uga wada Shaqeeyaan doorashooyinka Xubnaha labada Aqal ee ka imaanaya dhinaca Maamulka Koonfur Galbeed.