Sheekh Shariif oo kulamo xasaasi ah ka wada Magaalada Jowhar

Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo dhaqanka bulshada reer Hirshabelle ee Ku sugan Jowhar.
Madaxwayne Shariif oo safarro Jowhar ku Tegay muddo toddobaad ah 2 jeer ayaa maanta kulan la qaatay siyaasiyiin uu ugu horreeyay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Md Cali Guudlaawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee HirShabelle Md Maxamed Cali Caadle, Taliyihi hore ee Nabad sugidda Qaranka Md Sanbaloolshe, waxgaradka, duubabka iyo dhaqanka deegaannada HirShabelle.
Shirka ayaa waxgaradkii iyo siyaasiyiintii kasoo qaybgalay waxay Madaxweyne Shariif iyo guud ahaan Madasha Xisbiyada Qaran uga mahad celiyeen dadaalka ay ugu jiraan dhismaha Hirshabellada labaad oo la isla ogolyahay.
Ugaaska imaamka iyo Wabarka Mudulood ayaa Goob joog ka ahaa Kulanka waxayna Madaxweyne Shariif ku amaaneen dadaalka uu ku bixinayo dhismaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle