Raiisul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi doorasho

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi/Somaliland.

Xubnaha Guddiga ee la magacaabay ayaa waxaa keensaday qaarkood Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo xubno ka tirsan Wasiirada.