Ciidamada dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Baay oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada Ururka 45aad Guutada 8aad Qeybta 60aad waxaa ay ka fuliyeen tuulooyin ku yaalla duleedka degaanka Goof Gaduud Buurey, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen inay tuulooyin kula wareegeen.

Taliyaha Ururka 45aad Guutada 8aad ee Qeybta 60aad  ayaa sheegay inay Cidiamada Dowladda la wareegeen tuulooyinka kala ah, Eel Dhuun Adeegow, Kaawada Buula Jadiid, Hareera Jiifa iyo degaano kale, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Taliyaha in Ciidamada ay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay  ka saarayaan degaannada iyo meelaha kale ee Gobolka Baay oo ay weli kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Degaanka Goof Gaduud Buurey oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhowr jeer dagaal kula wareegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab wallow markii dambe laga saaray.